Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa Guddi baaritaan u xil saaray Is Rasaaseyntii Xalay Dhuusamareeb ku dhax martay Ciidamada Dowladda Iyo Ciidan Ilaalo u ah Xarunta Inji oo Hogaanka Ahlu Sunna dagan yihiin.
Guddigan la magacaabay ayaa jawaab ka keeni doona sababta ka dambeysay dirirta ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.
Is Rasaaseynta Xalay ka dhacday Dhuusamareeb ayaa sababtay inta la ogyahay dhaawaca ilaa 3 ama 4 ruux.
Wali kama aysan hadlin Ahlu Sunna iska hor imaadka xalay ka dhacay Caasimada Maamulka Galmudug.