Hogaanka Ciidamada Dowladda Kenya ayaa sheegay iney Xoog kusoo furteen laba Maxbuus oo ku jiray gacmaha Xulufada Alqaacidda ee Soomaaliya.

Sarkaal katirsan Booliska Kenya ayaa Warbaahinta la Wadaagay in Ciidamada Kenya ay u suura gashay iney soo furtaan labo nin oo ganacsato ahaa laguna kala magacaabo Abdullahi Issack Harun iyo Abdi Hassan Ilkaase, in laga soo daayay gacmaha Al Shabaab

“Kaliya seddex kamid ah al-Shabab ayaa kaxaystay labada ruux iyaga oo la’aaday dhinaca Soomaaliya deegaan lagu magacaabo Bagdad oo 60 KM ujira Hosingo” ayuu yiri taliye Alfred Angengo 

Sido kale wuxuu sheegay iney wanaagsan tahay Xaalada Caafimaad ee labada nin ee Xooga looga soo daayay Al Shabaab.

Labada nin ee lasoo daayay ayaa kala ahaa Soomaali kenyaan lagu heystay xadka Soomaaliya Iyo Kenya.