Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Kulan Xasaasi ah oo u dhaxeeya Madaxa Xukuumada Galmudug Iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre uu ka socdo Gudaha Caasimada Maamulkaasi.

Kulanka ayaa salka ku haya Shaqaaqadii ama dagaalkii Xalay ka dhacay Dhuusamareeb iyo sida laga yeelayo 20 Xildhibaan ee Ahlu Sunna kasoo dhax xushay Xubnaha sarsare ee Ahlu Sunna, kuwaa oo dhaliyay inuu khilaaf cusub soo kala dhax galo ama ka dhax unkamo Madaxda Dowladda Iyo Ahlu sunna.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sido kale sheegay in kulanka ay diideen iney ka qeyb galan hogaanka kale ee Ahlu Sunna, kuwaa oo aan wali la dhacsaneen qaabka Dowldda u wado dhismaha Galmudug.

Mas’uul katirsan Maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta qaar u sheegay Xildhibaanada muranka ka taagan yahay ee Ahlu Sunna ku dhawaaqday in Saakay lagu arkay Magaalada, iyaga oo wato ilaalo gaar ah oo ay soo siiyeen hogaanka Ahlu Sunna.

Xalay ayey aheyd kadib markii ay isku dhaceen oo is rasaaseyn kooban dhax martay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ee ku sugan Dhuusamareeb.