Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah si wadajir u ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen.

188 Xildhibaan ayaa ogolaatay Ansixinta Miisaaniyadda Sanadka 2020 , hal xildhibaan ayaa diiday halka ay labo xildhibaan oo kalena ka Aamuseen.

Ansixinta miisaaniyaddaan ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa  maalintii ugu danbaysay sanadka 2019, si sanadka  2020 oo berri ka bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub.