Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay Afaafka hore Saldhig ciidamada Itoopiya ay ku leeyihiin degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay Qaraxa inuu ahaa Miino lagu aasay Afaafka Saldhigg ku yaalla Gudaha degmada Qansaxdheere.

Wali lama Xaqiijin Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay Qaraxa, balse waxaa jiro Ciidamo waxyeelo kasoo gaartay qaraxaasi oo ahaa Miino dhulka lagu aasay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inuu howlgal ka socdo gudaha Xafaado katirsan Degmadaasi, oo laga baadigoobayo ragii la dambeeyay qaraxaasi.

Wixii Kusoo Kordha kala Soco Kalsantv.com