Dagaalamayaal la aaminsan yahay iney katirsan yihiin Al Shabaab ayaa La sheegay iney la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Cara-gaduud oo u dhaw Garoonka diyaaradaha Maagaalada Baydhabo.

Ciidamo katirsan Daraawiishta Koofur galbeed iyo kuwa Al Shabaab ayaa la sheegay iney isku fara saareen deegaanka oo ugu dambeentii gacanta u galay ama la Wareegeen Ciidamo katirsan Al Shabaab.

War kasoo baxay Al Shabaab oo lagu baahiyay idaacada afkooda ku hadasha ayaa sheegay iney u suura gashay dagaal iney kula wareegaan deegaan lagu magacaabo Cara-gaduud oo u dhaw Baydhabo.

Wali wax war ah kama soo bixin Saraakiisha Ciidanka Xoogga ama kuwa Koofur galbeed oo looga hadlayo Sheegashada Al Shabaab ee ah iney dagaal kula Wareegeen deegaan ku yaalla duleedka Caasimada KMG Maamul Gobaleedka Koofur Galbeed.