Kooxo hubeysan oo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku dilay Sarkaal katirsanaa Ciidamada Puntland oo lagu magacaabi jiray Ciise Ducaale.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Toogashada ay ka dhacday Bartamaha Magaalada.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Howlgalo lagu baadigoobayo Kooxdii dilka ka dambeysay uu ka socdo Xaafado katirsan Magaalada Boosaaso.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Boosaaso ayaa sheegay inuu socdo baaritaano lagu baadigoobayo Kooxdii ka dambeysay Dilka Sarkaalkaasi.

Wali majirto cid Sheegatay Mas’uuliyada dilkaasi.