Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu xiray gaari uu watay Sarkaal katirsan Ciidamada Xasilinta Gobalka Mudug oo marayay bartama magaalada.
Inta la Xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay Cabdicasiis Faarax Maxamed Istakiin oo ahaa Sarkaalka gaariga loogu xiray qaraxaasi Miino.
Wali majirto cid Sheegatay Mas’uuliyadiisa.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sido kale sheegaya inuu magaalada Xalay ka dhacay Howlgal lagu baadi goobayay Xubnihii ka dambeeyay Qaraxaasi.