Ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa xalay weerar xooggan ku qaaday deegaanka Uufow oo Cabdalla Biroole u jirta 30 KM.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee deegaanka Cabdalla Biroole ayaa warbaahinta u sheegay in Alshabaab laga dilay 3 nin hubna laga qabsaday.

Sido kale wuxuu sheegay gacan ku heynta deegaanka iney la wareegeen Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Wali Al Shabaab wax war ah kama soo bixin.