Wasiiru dowlihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Faarax Wehliye ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu hayay.

Wuxuu sheegay inuu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweynenimo ee Maamulka Galmudug.

Shir Jaraa’id uu shalay ku qabtay Dhuusamareeb ayuu Xukumuumada Ra’iisal Wasaare Kheyre oo uu katirsanaa ku eedeeyay iney fara galin toos ah ku heyso Dhismaha Maamulka Cusub ee Galmudug.

Sido kale wuxuu sheegay in handadaad lagu hayo Xildhibaanada Cusub ee dhawaan lasoo xulay.