Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta jubbaland ayaa howlgal ka sameeyay nawaaxiga deegaanka hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose.

Saraakiisha Ciidamada hogaamineysay ayaa sheegtay Intii uu socday howlgalkaasi wada jirka ahaa in afar kamid ahaa Al Shabaab lagu khaarijiyay.

Sido kale Xubnahan ka tirsanaa Alshabaab ayaa qorsheynayay in ay hoosingoow weeraraan,balse ciidanku ay ka hortageen ayna fashiliyeen qorshohoodi ayaa lagu warka Saraakiisha Ciidanka.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay mid kamid ah askarta ciidanka Jubbalad uu ku dhintay, halka uu sheegay in laga dilay Al Shabaab ilaa 9 Dagaalame.

Wali wax war ah kama soo bixin Al Shabaab.