Faah faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Degmada Afgooye.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Haramcad Cabdiwali Fanax iyo qaar ka mid ah Ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay Qaraxa oo lagu Weeraray Koontarool lagu baaro gaadiidka laguna qaado Canshuurta.
Sido kale Kolonyada Qaraxa Lala Eegtay ayaa waxaa la socday Injineero u dhashay Turkiga oo ku howlan dhismaha Wadada Xiriirsa Afgooye Iyo Muqdisho.
Wali faah faahino Rasmi ah lagama hayo khasaaraha kale ee ka dhashay Qadaxa Ismiidaaminta ahaa.

