Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo kamid ah Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynenimo ee Galmudug ayaa sheegay Madaxda Dowladda dhaxe iney kala qeybin ka wadaan Bulshada ku dhaqan deegaanada Maamulkaasi.

Wuxuu Sheegay Ra’isal Wasaare Kheyre inuu tagay Galmudug oo Mideysan, balse uu ugu daray maadama hada ay mareyso In Galmudug ay yeelato Afar Madaxeeyne Maadama Afar garab loo kala jabay.

“Ra’iisul Wasaaraha juhdiga uu ku bixiyey Galmudug waxaa ay dhashay in Xaaf uu Maamul Cusub Gaalkacyo ka dhisayo iyo Hoggaanka Ahlusunna oo diidan waxa socda iyo msuharixiinta ugu tunka weyn mucaaradka oo iyana ka hoyimid qorshaha ay wado dowladda,marka Kheyre Galmudug waa uu ugu daray ayuu yiri” Mudane Cabdiraxmaan Odawaa.

Dowladda dhaxe ayaa marar badan ku guul dareysatay Dhismaha Galmudug oo loo dhanyahay, maadama inta badan Heshiisyadii la galay ay kusoo wada biya shubteen Fashil ama in Khilaaf cusub oo unkama.