Madaxda Maamul Gobaleedyada Jubbaland, Puntland Iyo Koofur Galbeed ayaa kuwada sugan magaalada Nayroobi ee Caasimada Dalka Kenya, halkaasi oo kulamo ay kula qaateen Bulshada Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin katirsan QM iyo Dowladda Kenya.

Safarka Saddexda Madaxweyne ayaa la sheegay inuu kala duwan yahay, maadaama xiliyo kala duwan balse is xigay ay kala gaareen Caadimada Nayroobi.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeeyay Saddexda Hogaamiye ee gaaray Kenya, kuwaa oo kulamo gaar gaar ah la qaadan doono Xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan gudaha dalkaasi.

Labada Madaxweyne Puntland Iyo Jubbaland ayaa ah Xulufo kasoo horjeeda Hanaanka Madaxda Dowladda, halka Madaxweynaha Koofur galbeed uu xulufo ama Xiriir Wanaagsan kala dhaxeeyo hogaanka Dowladda.

Lama saadaalin karo in Saddexda Madaxweyne uu kulan Saddex geesood ah dhax maro ama iney u yeereen Xunaha Beesha Caalamka ee ku sugan Nayroobi.