Wararka ka imaanaya degmooyinka Saakow, Jilib iyo deegaanka Arbaay Cabdi ayaa sheegaya in lagu duqeeyay halkaasi Xubno katirsan Al Shabaab.

Sarkaal katirsan Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in duqeymo is xig-xiga ay ka dhaceen deeganno hoos taga Gobolka Jubadda dhexe ee koofurta Soomaaliya.

Sido kale Sarkaalka ayaa ka gaabsaday inuu sheego Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay Duqeymaha, balse wuxuu Xaqiijiyay in lala eegtay Gaadiid galbiyay Saraakiil Iyo Amiiro katirsan Xoogaga Al Shabaab.

Wali wax war ah kama soo bixin Al Shabaab