Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay inaan shahaado la siin doonin Ardayda Dugsiyada Sare ee Puntland, maadaama aysan ka qeyb gali Imtixaankii Dowladda dhaxe.

Mudane Goodax ayaa si aan gabasho ama cabsi laheen u cadeeyay in aysan shahaadadada dowladda dhaxe heli doonin Ardayda ku nool deegaanada Puntland ee aan kamid noqon Imtixaankii Dowladda.

“Puntland waa inay ummadda Soomaaliyeed la mid noqotaa oo imtixaanka la galaan oo shahaadada la qaataan, haddii kale ha isku tashadaan.” Ayuu yiri.

Hadalka Kasoo baxay Wasiirka Waxbarashada ayaa sii kululeynaya Khilaafka Xoogan ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda dhaxe iyo kuwa Maamulka Puntland.