Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax gaari lagu Xiray oo ka dhacay maanta Xaafada Xoosh Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Kalsantv ayaa Xaqiijiyay in lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo katirsan Dowladda oo marayay Degmada Dharkeenleey.

Inta la Xaqiijiyay laba askari ayaa ku dhimatay Qaraxa, waxaana ku dhaawacmay ilaa hal qof kale.

Wali wax war ah kama soo bixin Dhanka Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.