Ciidamada Dowladda ayaa isgoyska Shaleema Nasri dhanka Digfeer ku dilay Darawal waday mid kamid ah Gaadiidka Xamuulka qaada ee la shaqeeya Muqdisho.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Xaqiijiyay Askariga iyo Marxuumka iney is dhaafsadeen laba Erey ama Muran uu dhax maray, sidaasna lagu dilay.

Ciidamo kale oo katirsan dowladda ayaa goobta gaaray, kuwaa oo halkaasi ka qaaday meydka Darawalkii waday Gaariga Sawiradiisa aad aragtaan.

Mudooyinkii dambe ciidamada Dowladda ee ka howgala Degmooyinka Muqdisho ayaa caado ka dhigtay dilalka gaadiidleyda haba ugu badnaandaan Dhalinyarada ku Shaqeysata Mooto Bajaajta.