Waxaa maanta ku eg diiwaangalinta Musharaxiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen Galmudug, sida uu sheegay Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddiga ayaa muddo 24 saac ah shalay ku kordhiyay isdiiwaan gelinta Musharixiinta doorashada taasi oo ku eg maanta si musharaxiinta daneynaya in ay u tartamaan doorashada Galmudug ay fursad ugu helaan in ay is diiwaan galiyaan.

Inta badan musharixiintii dooneysay iney u tartamaan Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa ka hor yimid hanaanka doorasho ee Maamulkaasi, kuwaa oo guddiga Doorashada Galmudug ku eedeeyay iney u afduuban yihiin Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Musharixiinta ayaa diiday sido kale iney ka qeyb galaan Doorashada, hadii uusa is badal muuqan.

Khilaafka ka aloolsan Arimaha doorashada Galmudug ayaa cirka isku sii shareeraya, iyadoo wali ay iska soo hor jeedaan Madaxda Dalka, Ahlu Sunna, Madaxweyne Xaaf iyo Musharixiintii u tartami laheyd Xilkaasi.