Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Laba Qarax oo ciidamo katirsan kuwa Amisom lagula eegtay Ex Contarool Balcad ee Magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay In dad Shacab ahaa oo gaaraya ilaa laba ruux meydadkooda in lagu arkay Isgoyska Ex Contarool Balcad oo ah halka lagu Qarxiyay Ciidamada Amisom.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya wali in ciidamo Amisom ay u xiran tahay wadada, kuwaa oo u diidaya iney maraan Shacabka ama gaadiidka.

Lama Xaqiijin karo Khasaaraha soo gaaray Kolonyada ciidamada Amisom ee Qaraxyada lala eegtay.

Dhanka kale Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Kaxda iyo Ilaaladiisa aya Qarax lagula eegtay Degmada Dharkeenleey ee Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu dhaawac soo gaaray Gudoomiye Abdinaasir.