Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax khasaare geystay oo ka dhacay inta u dhexeeysa Xaawo-Cabdi iyo deegaanka Lafoole ee Gobalka Sh/Hoose.

Inta la Xaqiijiyay 4 ruux oo la socotay gaari raaxo ah ayaa ku dhimatay qaraxa oo ahaa Miino wadada dhinaceeda lagu aasay ee gaarigaasi lala eegtay.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in marka laga tago afarta ruux ee ku dhintay qaraxa ay jiraan dhaawacyada dad kale.

Wali majirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxa, lamana aqoonsan cida ay ahayeen dadkii ku dhintay Gaarigaasi.