Ciidanka ammaanka Degmadda Af-madoow waxaa isku soo dhiibay Ugaas Maxamed Macallin Muxumed oo loo yaqaan Maadeey, kaasi oo la sheegay inuu kasoo baxsaday Dhaqdhaqaaqa Al Shabaab.

Waxaa uu kamid ahaa odayaasha dhaqanka mid kamid ah beela ku dhaqan deegaabada ay maamulaan Al-Shabaab isagoo Ugaas u ahaa beel kamid ah beelaha Soomaaliyeed.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa sheegay laba cisho ka hor inuu ka soo baxsaday degmada Jilib.

Wali wax war ah kama soo bixin Al Shabaab.