Guddoomiya Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane ; Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka qeyb galay kulan ay yeesheen Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgelinta Dastuurka Baarlamaanka iyo Guddiga Dastuurka ee madaxa bannaan,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Guddoomiyaasha Labada Aqal ayaa labada gudi uga mahad celiyay howsha adag ee ay hayaan iyo sida ay uga go’antahay in Dastuurka la ansixiyo Bisha June ee Sanadkan.
Labada Guddi ayaa Guddoonka Baarlamaanka uga warbixiyay howsha dib u eegista Dastuurka halka ay mareyso, waxaanay Guddoonka Labadiisa Aqal ku wareejiyeen qormada Labaad ee Dastuurka.