Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay duqeyn la beegsadeen dhismo ay Al-Shabaab ku leeyihiin meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, iyagoo xusay iney ku dhaawaceen laba ka mid ah Amiirada Xarakada.

Jeneraal. Bradford Gering, oo ah ku xigeenka Agaasimaha Howlgallada ee Taliksa Milatariga Mareykanka ee Africa ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri

“Duqeymaha noocan ah, waa kuwo aan gacan uga geysanno ka hor tagista in Al-Shabaab ay sameystaan meelo gabbaad u ah oo ay ka soo abaabulaan weeraro dhimasho dhaliya oo ka dhan ah Mareykanka iyo saaxibadiisa Bariga Africa” ayuu yiri

Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Mareykanka ayaa howlgallo ka dhan ah Alqaacidda ka geystay deegaannada ay ka maamulaan Gobalada dalka Soomaaliya.