Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in aan la bixinin bishii dhamaatay Mushaarkii ciidamada xoogga dalka, uuna jiro qorshe ah in mushaar kordhintii ciidamada xoogga dalka loo sameeyey ee ku jirtey miisaanoyadda 2020 in qolo dhexe isku dayayso in ay goosato ugu yaraan mushaarkii bishii January.

Sido kale wuxuu sheegay iney suuqa ku jirto in madaxda qaranka qaarkood la tuhunsan yahay In ay lacago ka mid ah mushaaraadka ay si khaas ah (private) ugu darsadeen suuqa sarrifka lacagaha qalaad (forex), si ay faa’ido ayaga u gaar ah uga raadsadaan, arrintaanoo noqonaysa khiyaano iyo musuqmaasuq weyn haddii sida loo sheegayo ay u dhacdo, yiri Xildhibaan Fiqi.

“Ciidamada mushaarkooda sidii miisaaniyadda ugu qornayd waa In loo bixiyaa” ayuu sii raaciyay.