Faah faahino dheeraad ayaa kasoo baxaya Dagaal laba mar ka dhacay deegaanka Ceel Saliini oo kaabiga ku haya Caasimada Gobalka Shabeelaha Hoose.

Dagaalamayaal la fahansan yahay iney katirsan yihiin Al-Shabaab ayaa laba mar oo isku mid ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Xoogga ee deegaankaasi.

Sarkaal katirsan Militariga Soomaaliya ayaa Kalsantv u xaqiijiyay in la jabiyay Ciidamadii katirsan Al-Shabaab oo laba mar kusoo rogaal celiyay Weerar ay ku qaadeen deegaanka Ceel-Saliini ee Gobalka Sh/hoose.

Wali wax war ah kama soo bixin Al-Shabaab oo looga hadlayo Dagaalka la sheegay in looga awood roonaaday ama ay ku Jabeen Labadaasi Weerar.