Kooxo hubeysan ayaa Gaashaanle sare Maxamed Cabdulle oo ka Tirsanaa Guutada 6aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya ku dilay Hoygiisa ku yaalla Xaafada Haantadheer ee degmada Dayniile.

Laba dhalinyaro aheyd oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa la sheegay iney ka dambeeyeen dilka Gaashaanlaha oo ku sugnaa gurigiisa ku yaalla Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa goobta gaaray, kuwaa oo baaritaano ka wada halkaasi.

Mana jirto cid sheegatay Mas’uuliyada