Hogaamiyaha ruuxiga ee Ahlu Sunna Sheekh Macalin Maxamuud Xasan Faarax oo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in hada laga bilaabo ay raadsan doonaan hubkoodii ay ku Wareejiyeen Dowladda Soomaaliya.

“Laga bilaabo XIligaan waxa aan raadsaneynaa waxa aan hub leenahay, waan soo qaadanayenaa oo waan wadaneynaa, Ruux Muslim ah kuma dhibeyno, Dowlad kuma dhibeyno, dad fog kuma dhibeyno, mana u dulqaadan karto waxa socda” ayuu yiri Macalinka.

Wuxuu sido kale sheegay markii ay arkeen Qaraxyada ka dhacaya Dhuusamareeb iney aaminsan yihiin in magaaladii ay la Wareegeen Al-Shabaab-kii Sanadaha badan ay kala dagaalamaan iney qabsadaan Magaalada.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan heshiis ku biyo shubtay hal bacaad lagu lisay la gashay Hogaanka Ahlu Sunna oo ka baxay Heshiiyadaasi.