Faah faahino dheeraad ayaa kasoo baxaya dilal ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee caasimada Maamul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle.

Goobjooge la hadlay Kalsantv ayaa sheegay laba wiil oo dhalinyaro aheyd in lagu kala dilay Nawaaxiga Buundada degmada iyo Xaafada Horseed oo katirsan Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Jowhar.

Ciidamo katirsan dowladda oo goobta gaaray ayaa xiray ilaaa Saddex askari oo ku sugnaa halka labada wiil ee dhalinyarada ahaa lagu toogtay.

Sido kale wali ma cada sababta rasmiga ee loo dilay dhalinyaradaasi iyo cida dishay.