Wasiirka Amniga Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Kheyre ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in Dowladda dhaxe ay wado qorshe lagu qaadayo dhagxaanta waaweyn ee lagu xiray Wadooyinka Muhiimka ee magaalada Muqdisho.

“Waan qaadeynaa dhagxaanta gaar ahaan kuwa ku xiran wadada wadnaha waxaana aan geyneynaa waddada warshadaha iyo jidadka kale ee soo gala caasimada.”ayuu yiri Wasiirka Amniga Somaaliya.

Sido kale Wasiir Isloow ayaa sheegay dhagxaantaasi iney AlShabaab ka hor istaageen weeraro badan oo dhiig ku daadan lahaa oo ay qorsheynayeen, balse uu cadeeyay iney dhibaato ku qabaan Shacabka Muqdisho gaar ahaan gacantada caasimada.

Siyaaasiyiin, Ganacsato iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay iney caburisay Shacabka Muqdisho, maadaama magaaladii ay noqotay sida laba wadan oo kala go’ay oo aan mari karin ilaa aad ka degto gaadiidka aad saaran tahay oo aad mid kale dhanka kale ka raacdid.