Wasiirka Arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Carabiya Caadil Al Jubeyr ayaa sheegay in Sacuudiga uu kasoo horjeedo duulaanka Turkiga ee Liibya.

Wuxuu sheegay Dowladda Turkiga iney taageero siiso Ururo Argagaxiso ama Xaqjiriin ah oo ku sugan dalalka Soomaaliya Iyo Suuriya, kana soo horjeedo Xasiloonida ama Nabadgalyada Wadamadaasi.

“Waxaan ka soo horjeednaa galitaanka Turkiga ee Suuriya, waxaanan ka soo horjeednaa taageerada ay Turkigu siinayaan malleeyshiyaadka Soomaaliya, Syria iyo Libya” ayuu yiri Wasiirka Arimaha dibada Sacudiga.

Xiriirka Turkiga iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa xumaaday kadib markii Xukuumada Riyad lagu eedeeyay iney ka dambeysay Dilka Wariyihii caanka ahaa ee lagu Magacaabi jiray Jamaal Khaashogji.