Wararka aan ka heleyno dooxada Ooda-gooye ee duleedka magaalada Laas-caanood gobolka Sool ayaa sheegay in halka uu ka kacay Dab xoog leh.

Qoysas farabadan oo daganaa baadiyaha laascaanood aya lagu soo waramayaa in ay bilaabayn in ay ka barakacaan guryahood iyagoo ka cabsi qaba in Dabka uu ku sii fido deegaanada ay ku nool yihiin.

Ilaa hada lama oga sababta keentay dabka,  dabylah todobadkan ayaa waxaa laga dareemay qaar kamid ah gobolada dalka dabeylo kuwaas oo sahalay in dabku si deg-deg ah ugu  sii fido dadka dagan dooxada Ooda-gooye ee duleedka magaalada laas-caanood ee gobolka Sool.