Madaxweynaha Garabka Ahlu Sunna Sheekh Shaakir Ali Hassan ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah odoyaasha Guriceel iyo Dhuusamareeb iyagoo iska xog wareystay sidii loo dardar galin lahaay hormarka Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Odoyaasha ayaa sheegay in ay Doorkooda kaga aadan hormarka Galmudug qeyb weyn ka qaadan doonan ayna garab taagan yihiin howlaha siyaasadeed ee Ahlusunna ka wado deegaanada Maamulkaasi.

Ahlusunna ayaa kasoo horjeesatey Doorashada madaxda Galmudug ee Dowladu aqoonsatey taasi oo keentay in ay soo dhistaan maamul uu madaxweyne ka yahay Sh Shaakir oo horay u ahaa Madaxda Xukuumada Galmudug kana tirsan Hogaanka Sare ee Madaxda Ahlusunna ee deegaanada Galmudug.