Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa Waraaqo lagu qoray xogta dagaalame Ajnabi ah oo katirsan Al-Shabaab ku daadiyay deegaano katirsan Gobalka Bay oo katirsan Gobalada Maamulka Koofur Galbeed.

Warqadaha Diyaaradaha ay daadiyeen ayaa waxaa ku qoran Macluumaadka ama Calaamadaha lagu garan karo Jehad Serwan Mustafa oo u dhashay Mareykanka kana tirsan Al-Shabaab, kaasi oo mudo ay ku howlan yihiin FBI-da Mareykanka iney helaan Xogo la Xiriira in la dilo ama gacanta lagu soo dhigo.

Mareykanka ayaa aaminsan Ninkan inuu kamid yahay Golaha Sare ee Shuurada Al-Shabaab ama Xubnaha ugu Mayalka adag ee ay ka go’ado talada Xarakada.

Sido kale Mareykanka ayaa u balan qaaday cid alaala cidii keenta Warbixinta ama xogta Ninkaasi la siin doono Lacag dhan 5 Malyan oo Lacaga USA.