Dhaqdhaqaaqa Al Shabaab ayaa Fagaara kuyaal degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe ka fuliyay xukun Xadu Zina ah oo lagu fuliyay nin lagu eedeeyay inuu fal kufsi ah kula kacay qof dumar ah.
Madaxa Maxkamadda Al-Shabaab Jubbooyinka oo goob fagaara ah xukunka ka akhriyay ayaa sheegay in maxkamadda ay usoo dacwootay Ooreey oo dacwaysanaysay Xasan Mukhtaar oo ah wiil dhalinyara ah oo markii dambe gabadha Kufsaday.
Al Shabaab ayaa sheegtay Eedaysanaha inuu maxkamadda ka hor qirtay in uu toorreey ladhacay Ooreey Kaahiye Caalan kadibna uu kufsaday oo uu ku xadgudbay, intaas kadib ay maxkamaddu ku xukuntay 100 Jeydal, hal sano musaafuris ah iyo in uu bixiyo qaali geela oo ah Meherka gabadha uu ku xadgudbay maadaama uusan horay guur usoo marin.
Inta badan Al shabaab ayaa deegaanada wali gacantooda ku jira ka fuliya Xukuno kala duwan, haba ugu badnaadaane qooryonta ama dilalka raga lala xiriirinayo iney la shaqeeyaan CIA- Mareykanka.