Wasiirka wasaaradda amniga maamulka Hirshabeelle Maxamed Kheyre ayaa sheegay in Dagaalkii Xalay ka dhacay Jowhar uu iska ahaa rasaas lagu soo tuurtuuray fariisimo ciidamada Hirshabeelle.
“Al-shabaab ayaa isku dayday iney amaanka qal qal galshaan waxeyna Rasaas Kusoo Tuur Tuureen Bar Fariisan u ah ciidanka amaanka Hirshabelle oo bananka Magalada ah , taasoo laga Kontoroolo Dhaq dhaqaqa dadka soo galo Magalada iyo Dadka kabaxa, kooxahii soo Rabshadeyayna Fariisimahena ciidanka Amniga ayaa ku daba jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa” ayaa yiri Wasiirka amniga Hirshabeelle.
Dagaalamayaal katirsan Al shabaab ayaa Weerar ku bilowday Bamgacmeedyo ku qaaday laba Fariisin oo ciidamada Hirshabeelle ay ku leeyihiin Jowhar.
Wali dhanka Al Shabaab wax war ah kama soo bixin.