Ciidanka XooggaSoomaaliyeed ayaa sheegay in laga hortagay weerar Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka ceelsaniini iyo Qoryooleey ee gobolka Sh/ hoose

Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa Warbaahinta Ciidamada Dowladda u Xaqiijiyay Al-Shabaab in looga dilay Ceel-Saliini 11 Askari iyo dhaawaca 8 kale.

Wuxuu sheegay sido kale in hub laga furtay Xoogagii Al-Shabaab ee Weerarka qaraxyada ku bilowday ku qaaday Saldhig ku yaalla duleedka degmada Marka.

Sido kale wuxuu sheegay inuusa jirin wax Khasaare ah oo gaaray ciidamada Xoogga Soomaaliya.

Wali wax war ah kama soo bixin Al-Shabaab.