Mid kamid ahaa Saddexdii ruux ee lagu helay Kiiska Kufsigii iyo Dilkii Caa’isha Ilyaas ayaa la sheegay in la qorsheeyay in lasii daayo, maadama labada qoys ay ku heshiiyeen in la kala qaato Mag ama Diyo.

Qoyska dhalay Caaisha ayaa lagu qanciyay in kasiiyo 75 neef oo geela oo Hashiiba lagu qiimeeyay $500 oo Dollar, waxaana isla goobta lagu bixiyay lacag dhan $25, 000 oo Dollar, taasi oo u dhiganta 50 Halaad.

Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ahaa ninkii Saddexaad ee ka dambeeyay dilkii Caa’isha ayaa la faray Laamaha Amaanka in lasii daayo, maadaama uu heshiis dhax maray Labada Qoys.

Maamulka Puntland ayaa Xukun dil Toogasho ah ku fuliyay Laba kamid ah Saddex ruux oo labo Walaalo yihiin oo lagu helay Dilkii Caa’isha Ilyaas