Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda  Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa Isbitaalka xoogga ku booqday askar ka tirsan xoogga dalka oo ku dhaawacmay deegaanka Ceel-saliini.

Mudane Kheyre oo maamulka Isbitaallada xoogga ka waraystay xaaladda caafimaad ee ciidanka kusoo dhaawacmay Dagaalada Al-Shabaab ayaa u rajeeyay inuu Allaah siiyo Caafimaad Deg Deg ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada ay ugu jiraan la Dagaalanka Al-Shabaab oo Xiriir la leh Alqaacidda.