Warar kala duwan ayaa Kasoo baxaya Howlgal laga fuliyay Inta u dhaxeysa Deegaaanka Moqokori Iyo Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

Saraakiisha Howlgalka Hogaamineysay ayaa Sheegay iney soo furteen Afar boqol neef oo ari ah oo ay horay Al-Shabaab qaab Zako ahan uga qaadeen Shacabka.

Sido kale Saraakiisha ayaa Sheegay in Arigaasi ay ku Wareejij doonaan Shacabkii marka horay Al-Shabaab qaab awood ahaan uga wateen ama uga kaxeysteen.

Wali wax war ah kama soo bixin Al-Shabaab oo looga hadlayo Waxa ka jira Howlgalkaasi Hiiraan.