Duqeyn dhinaca cirka ah oo sugan, ayaa la sheegay in lagu dilay hogaamiye ka tirsan Alshabaab, oo lala xiriirinayo weerarkii Manda Bay ee lagu dilay Ciidamo Mareykan Iyo Keenyaaanti ahaa.

Duqeynta kadib, ayaa lagu xaqiijyey baaritaan in mid ka mid labadii Xabin ee lagu dilay weerarkii qorsheysnaa ee ka dhacay meel u dhaw magaalada Saakow ee Jubbada Dhexe 22keedii Febraayo uu ahaa shaqsi lala xiriirinayo weerarkii Alshabaab ee Manda Bay, Kenya.

Aragagisada la dilay, ayaa lagu yaqaanay in uu madax ka ahaa qorshaynta iyo agaasinka hawlgalada argagaxiso ee xuduudda Kenya, waxaana ka mid ahaa kii dhawaan ka dhacay Manda Bay.

Xabinka labaad, ayaa xaaskiisu ay ahayd xubin firfricoon oo xeeladeedu sareyso oo ka tirsan Alshabab, iyadoo mas’uul ka ahayd fududeynta hawlgalo argagixiso oo baahsan.