Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa la kulmay Agaasimaha Fulinta Hey’adda lacagta aduunka IMF.
Wasiirka ayaa yiri kulanka kadib “Waxaan kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha guud ee Hay’adda Lacagta Aduunka #Kristalina_Georgieva.”
“Waxaan uga mahadceliyay hogaaminteeda wanaagsan iyo dadalkii ay Hay’adda Lacagta Aduunku ka soo qaadatay dib-u-habeynta Maaliyaddeena iyo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya”
“Dhamaan caalamka iyo IMF waxaan u xaqiijinayaa in Dowladdeena ay ka go’antahay tilaabo kasta oo lagu hormarinayo dhaqaalaha Soomaaliya iyo isbadalka Maaliyadda”


