Laamaha amaanka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa soo saaray Miino aasneyd Xaafadda Jidka Soddanka ee Magaaladaasi.

Warka ayaa intaasi ku daray in arrintaasi ay suurtogashay kadib markii ay soo sheegeen Dadka dagan Xaafadaasi, waxaana Ciidamada amniga ku guulaystay inay si dhib la aan ah u kala fur furaan Miinadaani oo sida Saraakiisha sheegeen in loogu tala galay dhibaateynta Bulshada xaafadaasi.

Ciidamada Booliiska oo kaashanaya laamaha Sirdoonka ayaa baaris baahsan ka bilaabay Xaafadaasi, si loo aqoonsado ruuxii ka dambeeyay aasida miinadaasi.