Kooxo bastoolado ku hubeysan oo Nabadoon ku dhaawacay Xalay Magaalada Boosaaso.

Nabadoonka ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Cali Sugulle, wuxuuna kamid yahay kuwa ugu caansan deegaanada Gobalka Bari ee Puntland.

Ciidamo katirsan kuwa Puntland ayaa dhaawaca Nabadoonka geeyay Xarun Caafimaad, kuwaa oo sido kale Howlgal ka sameeyay Magaalada Boosaaso.

Wali majirto cid Sheegatay Weerarka Nabadoonka.