Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud jiidhe aya ka hadlay Dilka Allah u Naxariistee Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Somaliland ee Laascaanood oo Xalay Kooxo hubeysan Hoygiisa ay ku hor dileen.
Mudane Jiidhe Guddoomiyaha Gobolka Sool ayaa Alle ugu baryay Taliyaha Inuu Janadiisa ka waraabiyo, wuxuuna faray Laamaha Amaanka in gacanta lagu soo dhigo ragii ka dambeeyay Dika Taliyahaaasi.
AUN Waxaa lagu Magaacaabi jiray marxuumka la dilay Cabdiqani Guhaad Xasan, kaasi oo kamid ahaa Saraakiisha ugu firfircooneyd Ciidanka Somaliland.
Wali majirto cid Sheegatay Mas’uuliyada dilka Taliyahaasi ama cid garatay Sababta loo dilay.