Faah faahino dheeraad ay ayaa kasoo baxaya Dagaal u dhaxeeyay Laba Maleeshiyo beeleed oo ka dhacay galbeedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu salka ku hayay muran ka dhashay dhul daaqsin iyo ceel biyood halkaasi ku yaalay oo labada Maleeshiyo ay ku dagalameen.

Inta la Xaqiijiyay 7 ruux ayaa ku dhintay dagaalka, waxaana hada ku baxay ciidamo katirsan Jubbaland ee uu diray Madaxweyne Axmed Islaam (Madoobe).

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Xaalada hada ay tahay mid wali Cakiran, maadaama wali ay is hor fadhiyaan labada Maleeshiyo Beeleed.