Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dhaq Dhaqaaq ciidan oo Saakay ka socda Deegaanka Deynuunaay oo Shalay Dagaal uu ka dhacay.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay in Ciidanka Xoogga ee Shalay la Wareegay deegaanka Iney Saakay wadaan Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Sido kale Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamo badan oo katirsan Xoogga dalka oo ka baxay Baydhaba iney gaareen deegaanka Deynuunaay oo Shalay Dagaal xoogan uu ku dhax maray Subaxii hore iyo Barqadii Ciidamada Xoogga Iyo Kuwa Al-Shabaab.