Ciidanka xoogga dalka ayaa degaanka daynuunaay oo qiyaastii 18 kiilo mitir ujira magaalada baydhabo Sheegay iney ku dileen 12 Xubnood oo katirsan al-shabaab kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan fariisinka ciidanka xoogga ee degaankaasi

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidamanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay Idaacada ku hadasha Afka Ciidamada Qalabka sida isagoo ku sugan jiida hore dagaalka ee aaga daynuunaay ayaa sheegay in al-shabaab qasaare xoogan la gaarsiiyay.

Jeneraal Maxamed Shiikh ayaa tilmaamay in Alqaacidda ay ka dileen kudhawaad 12 Xubin, sidoo kalana laga dhawaacay tiro intaasi kabadan.

Taliyaha ayaa xusay in ciidanka xoogga dalka ay kawar qabeen weerarka argagixisada islamarkaasna iyagoo kafeejigan ay kahortageen haatana ay kusii baacsanayaan degaanada howdka ah.