Saraakiisha Xoogga ayaa sheegay Laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab in lagu dilay duqeyn xagga Cirka ah oo ka dhacday degaanka Buulo Fullaay ee Gobolka Baay.

Duqeyntan oo ay iska kaashanayeen Ciidanka xoogga Dalka iyo howl-galka Maraykanka Africa ee (Africom) ayaa u dhacday sidii loogu tala galay, mana jirto Qof Shacab ah oo ay waxyeello kasoo gaadhay. sida lagu sheegay warbixin ay weerarkan kasoo saareen Dowladda Soomaaliya iyo Africom.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Sanadkan oo keliya Al-Shabaab laga dilay 29 Sarkaal, ka dib duqeymo ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo howl-galka Africom.