Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid a Abdullaahi Deni ayaa soo saara, Xeer Madaxweyne Lr. 25 April 4, 2020, kuna saabsan isku bedel Taliyeyaasha Qaybaha Booliska Gobolada Nugaal iyo Mudug.
Madaxweynaha Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Maamulka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Qayabaha Booliska ee Gobolada Puntland.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa G/sare Muumin Cabdi Shire loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug.
- Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.